Raiisul wasaare Theresa May ayaa ka badbaaday cod kalsoonida kala laabasha ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigeeda, Waxa ay heshay 200 oo cod, halka 117 ay ka codeeyeen Theresa May.
Mrs May oo ka hadlaysay waddada Downing, ayaa waxa ay wacad ku martay in ay ka mira dhalin doonto heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midoowga Yurub.
Balse waxa ay sheegtay in ay dhagaysatay walaaca ay muujiyeen xildhibaanada ka codeeyay.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in maalinta khamiista ah ee oo uu dhacayo shirka Midowga Yurub ay u dagaalami doonto isbedalkeeda ku aadan heshiiska ka bixitaannka Britain ee Midowga Yurub.
In codka kalsooni kala noqoshada loo qaado ra’isal-wasaaraha waxaa sabab u ahaa 48 xildhibaan oo ka tirsan xisbigeeda,kuwaasi oo ka carooday siyaaddeeda ku wajahan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub taas oo ay sida la sheegay ka hor imanayso aftidii laga qaaday shacabka sanadkii 2016-kii.