Talyaaniga-RisaalaFM- Ciidamada boliiska Talyaaniga ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 6 ruux oo loo haysto inay ahaayeen shabakad dadka soo galootiga ah ee doomanka ku yimaada dalka Talyaaniga uga sii gudbisa wadamo kale oo qaarada Yurub ka mid ah.
Maxkamad ku taal Catania ee bariga Sicily ayaa amray in 13 ruux la soo xiro kuwaas oo ka mid ah shabakad dadka tahriibiya balse 6 ruux ayaa la soo qabtay.
Boliiska magaalada Catania ayaa sheegay in ay soo furteen illaa iyo 37 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo u xirnaa kooxdan shabakada dadka tahriibayaa.
Waxaana ilaa iyo hada aan la cadeyn boliisku ma cadeyn 6-da ruux ee la soo qabtay in ay ahaayeen Soomaali ama in ay dalal kale ka soo jeedaan.
Dalka Talyaaniga ayaa waxaa soo gaaray tan iyo bilowgii sanadkan dad qaxooti ah oo gaaraya 31,250 tiradaa oo ka yar boqolkiiba 14 tii sanadkii hore.


