Dowladaha Talyaaniga iyo Ethiopia ayaa ka wadahadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka muhaajiriinta ah ee kusugan dalkaasi oo Soomaali ay ku jireen, maadaama deegaano Ethiopia ka tirsan ay abaaro ka jiraan.
Madaxweynaha Talyaaniga Segio Mattarella ayaa sheegay in dalkiisa uu kala shaqeyn doono dowlada Ethiopia wax u qabashada dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Talyaaniga ayaa balanqaadkaan sameeyay kadib markii uu la kulmay ra’iisul wasaaraha dowlada Ethiopia Hailemariam Dessalegn kaasi oo dhacay gelinkii dambe ee shalay.
Wasiirka arimaha dibada Ethiopia oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in madaxweynaha Talyaaniga uu kaga mahad celinayo balanqaadka dhaqaale ee u sameeyay qaxooti badan oo Ethiopia ku sugan.
Qaxootiga oo gaaraya 800,000 ayaa wuxuu sheegay wasiirka arimaha dibada iney u kala dhasheen dalalka Soomaaliya, Eritrea, koofurta Sudan iyo wadamo kale.
Madaxweynaha Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Ethiopia ay ka taageeri doonaan sidii wax loogu qaban lahaa tahriibayaasha sida sharci darada ku gala dalka Ethiopia ayna ka taageeri doonaan.
Ethiopia oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood ka diiwaan gashan xeryaha qaxootiga ee dalka Ethiopia.


