Taliyihii Ciiddanka Dhulka ee Turkiga oo xilkii laga qaaday

Kulanka Sanadlaha ee Golaha Sare ee Milliteriga dalkaasi (The Supreme Military Board (YAS) ayaa waxa uu shalay ka dhacay Dhismaha Madaxtooyada oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa guddoominayey Kulankaasi oo socday muddo 45 daqiiqo, waxaana looga hadlay Istaraatijiyada Difaaca iyo Hawlaha Ciiddamada, iyadoo  Isku-shaandheyn lagu sameeyey qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciiddamadda Qaranka.

Taliyihii hore ee Ciiddanka Dhulka, Jeneral Ümit Dündar ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo lagu bedelay Jeneral Musa Avsever.

Taliyaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay in gaaray Xilli Hawlgabka ee lagu xadido da’da Ciiddamadda dalkaasi.

Taliyihii Ciiddanka Cirka, Jeneral Xasan Küçükakyüz iyo Taliyihii Ciiddanka Badda,  Admiral Cadnaan Özbal waxaa labadoodaba loo kordhiyey xil-hayntooda muddo hal sano oo kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga, Ibrahim Kalin waxa uu tilmaaamay in 17 Jeneralo iyo Admiral iyo 56 Kolonel la dallacsiinayo min hal darajo laga bilaabo bishan August 30-da.

Waxa kale oo uu tilmaamay in 30 Sarkaal oo Jenralo iyo Admiral ah ay gaareen xilligii Hawlgalka ee ay shaqada Milliteri ka fariisan lahaayeen.

Dhinaca kale, Golaha Sare ee Milliteriga dalkaasi (The Supreme Military Board (YAS) waxay xuseen in tirada Jeneralada iyo Admiiralada oo horey u ahayd 240 Sarkaal la gaarsiiyey ilaa 266 Saraakiil.

Go’aanka Golahaasi waxa uu dhaqangal noqon doona marka lagu soo daabaco Faafinta Rasmiga ee DowladdaTurkiga.