Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland oo geeriyooday

Taliyihii booliska Somaliland Cabdilahi Fadal Iiman ayaa ku geeriyooday Hargeisa sidda ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Somaliland.

Taliyaha Caawa la dhigay cisbitalka International ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Waxaa soo wajahay Xaalad Caafimaad oo deg deg ah taliyaha, wali Somaliland faahfaahin kama bixin geeridda taliye Fadal oo Muddo dheer ahaa taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.