Taliyeyaal loo Magacaabay Saldhigyada Booliska degmooyin ka tirsan Galgaduud

Taliye  kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo taliyeyaal Cusub u Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye  kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Cabudwaaq waxaa loogu Magacaabay Gaashaanle Sare Axmed Cabdikariim Maxamed halka taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xeraale loo Magacaabay Gaashaanle Qalbi Axmed Cali.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa la faray taliyaha qeybta Guud ee Booliska Galgaduud in uu howlgeliyo una dalbo xaquuqdooda Saraakiishaan la Magacaabay.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.