Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Marwo Kate Foster.
Kulanka ayaa waxaa ay kaga wada hadlayeen dardar gelinta iyo dhammaystirka sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya heer gabagabo ah.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Marwo Kate Foster ayaa uga mahad celisay Taliye Xijaar sida dardarta leh oo ay Ciidamada Booliska Soomaaliya u sugayaan Amniga doorashooyinka socda.
Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dhankiisa ka codsaday Danjiraha Dowladda Ingiriiska u joogta Soomaaliya in la kordhiyo taageerada ay siiyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha ka taageera Soomaaliya dhinacyada Amniga, tababarida Ciidamada iyo Arriaha doorashooyinka.



