Taliye ka tirsanaa DFS oo ku geeriyooday dagaalka Aboorey iyo Gen Odawaa oo gaaray deegaankaasi

Taliyihii Ururka 164-aad ee Ciidamadda Kumandooska Danab ee Galmudug Dhame Asad Cismaan Afrax, ayaa ku geeriyooday dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Aboorrey ee hoostaga degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale, Dhame Asad Cismaan Afrax, ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ee Ciidamadda xoogga dalka gaar ahaan Danab ee aqoonta sare ee durugsan u leh la dagaalanka Maleeshiyadda Kooxda Al-Shabaab.

Dad badan ayaa ka tacsiyeeyay geerida taliyaha.

Dhanka kale, deegaanka Aboorey, waxaa soo gaaray Ciidamo oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka yimid dhanka degmadda Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.