DFS oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Hiiraan iyo gaadiid dagaal oo laga gubay

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa Faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ay ciidamada dowladda ku qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan kooxda halkaasi lagu dilay, halka tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay, islamarkaana deegaanka Aboorey ay la wareegeen ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Masaajid Cali Gaduud lagu dilay dagaalameyaal iyo saraakiil ka tirsan Kooxda, halka gaadiid dagaal loogu gubay deegaanka Aboorey.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in gobolada Shabeelada dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud uu ka socdo howlgalo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.