Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Waqooyiga Magaaladaas Caawa lagu dilay taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in taliyaha oo lagu Magacaabi jiray Korneyl Xaashi Aaden Cilmi ay toogteen xilli uu ku sugnaa Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Ciidamo katirsan kuwa puntland ayaa waxaa ay gaareen halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka sameeyey howlgal aan weli dad lagu qaban.
Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Hay’adaha Amniga oo ku saabsan dilka loo geystay taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.