Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidamada Booliska Nugaal

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka Puntland Bile Faarax Cali ayaa taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Nugaal u magacaabay Faarax Cabdikariin Warsame.

Taliyaha ayaa sheegay in sababta nugaal loogu magacaabay taliyaha ay tahay dardargelinta Shaqadda Ciidamada Booliska Nugaal.

Faarax ayaa horay uga mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland, waxaana uu kasoo qabtay xilal kala duwan.

Magacaabistaan ayaa kusoo beegmaysa Xilli dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii Ciidamada Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire.

Waxaa wali taagan khilaafka u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland.