Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal Gashaanle Sare Maxamed Aadan jaamac ayaa ka Warbixiyay weerar xalay lagu qaadey gurigiisa kaasi oo aan cidi wax ku noqon,waxaana Taliyahu fariin u diray dadka shacabka ah.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe ayuu sheegay in dadka soo weeraray ay ahaayeenkuwo sharciga kasoo horjeeda oo laga hor istaagay inay fowdo ay u meel marsadaan dhisida dhul aysan laheyn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyaga oo fulinaya amar kasoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay xireen Ninkii hoggaminayay kuwa dhisanaya dhulka aan sharciga aheyn .
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal Gashaanle Sare Maxamed Aadan jaamac in Ninka ay Ciidamadu xireen Wiil uu dhalay iyo rag ka tirsan Ciidamada ay weerarkaasi ka dambeeyeen tallaabana laga qaadi doono.



