Waxaa degan xaalada degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo duhurnimadii Maanta ay la wareegeen Ciidamoka tirsan kuwa Ahlusunna Waljamaaca oo ka yimid dhinaca degaanka Bohol ee isla Gobolkaasi Galgaduud.
Ciidamada Ahlusunna ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen dhamaan degmada Guriceel, iyaga oo baaritaano ku billaabay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee soo galaya degmada Guriceel.
Inta badan dadkakunool degmada Guriceel ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyaga oo u sacaba tumaya Ciidamada Ahlusunna, isla markaana ay soo dhaweeynayaan, waxana Taliyihii Saldhiga Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudeey & Ciidamadiisa ay isku dhiibeen Ciidamada Ahlusunna, iyagaoo ku sugan Saldhiga degmada.
Masuuliyiinta maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin la wareegitaanka degmada Guriceel ee Alhlusuna, waxaana lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo kale ay ka socdaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.




