Taliyaha Ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa waxaa uu la kulmay Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.
Xog kale oo dheeraad ah lagama bixin waxyaabaha ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidamada Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiiniyo Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.
Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.
— NISA (@HSNQ_NISA) November 17, 2020


