Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka socda xaflad xil wareejin ah, iyadoo Taliye ku-xigeenka Asluubta uu xilka si rasmi ah ugu wareejinayo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Xil wareejintan ayaa imaaneysa kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo la sheegay inuu haatan ku jiro xabsi guri.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.




