Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo Sh/Hoose ka wada qorsho lagu dardar gelinayo la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo weli ku sugan Deegaanka janaale ee Gobalka Sh/Hoose aya halkaasi waxaa uu ka wadaa kulamo lagu dardar gelinayop la dagaalanka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa  wxuu booqday Gobalka Sh/Hoose, isaga oo kulamo muhiim ah la qaatay geesiyaasha xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 14 October.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab loogana hortegi lahaa weerarada ay mararka qaar a fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale Ciidanka  sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah gudaha iyo daafaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka wada howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah kooAl-Shabaab.

Taliyaha guutada 18-aad Gorgor Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa hoggaaminaya howlgalka, waxayna ciidanku soo mareen shacabka degana kula hadleen deegaano ay ka mid tahay tuulada Cad-cadey oo hoos tagta degmada Ruun-nirgood.