Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo gaaray Degaanka Xawaadley

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka sareya guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Xawaadley Gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo dhawaan jab xooggan lagu gaarsiiyay khawarijta.

Taliyaha iyo xubnaha sarakiisha ah ee la socda ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweyay sarakiisha taliska guutada 3-aad ee ciidanka xoogga,kuwaa warbixin ka siiyay taliyaha xaaladda degaanka.

Taliyaha ayaa intaa kadib  kulama la qaatay sarakiisha iyo ciidanka guutada 3-aad XDS iyo shacabka degaanka oo ka dhageystay baahiyaha iyo xaalada guud ee degaanka xawaadley.

Taliyaha guutada 3-aad ee ciidanka xoogga dalka janaraal Ibraahim Yuusuf Abuurka ayaa soo dhaweeyay Taliyaha waxana uu sheegay in tani ay dhiirigalin u noqoneyso ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Xawaadley ee Gobolka Shebeellaha Dhexe.

Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga Dalka sareya guuto Sahal Cabdulaahi Cumar ayaa ciidanka ku bogaadiyay guusha ay ciidanka  ka gareen la dagaalanka Alshabaab ,waxa una kula dar-daaramay inay sii wadaan howalgada dalka looga Alshabaab looga saarayo degaanada hoostaga degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka uu ku tagay Xawaadley ayaa ku soo aadaeysa , xilli  Dawlada ay doneysao in Alshabaab laga saaro  dalka.