Ururka Ahlu Sunna ee wali gacanta ku haya Awoodda degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa amar ku bixiyay in magaalada Dhuusamareeb uu ka baxo taliyaha booliiska Galmudug iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Galmudug Taliyaha Booliska Cabdicasiis Yuusuf Dhagabadan ayaa gaaray Magaalada Cadaado ka dib markii lagu amray in uu Magaalada ka baxo.
Taliyaha ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Cadaado bilihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in uu shaqaddiisa u soo wareejiyay Magaalada Dhuusamareeb markii ay Midowbeen Ahlusunna iyo Galmudug.
Ilaha muhiimka ah ee ka tirsan Booliska ayaa Galmudug ayaa sidoo kale u sheegay Risaala in Magaalada Dhuusamareeb Mas’uuliyiinta Ahlusunna ay ku amreen in uu ka baxo taliyihii hore ciidanka xooga dalka qeybta 21aad Korneyl Sulub.
Ahlusunna ayaa sidoo kale la sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay ka hor istaageen Saraakiil Ciidan oo ka yimid Magaalada Cadaado todobaadkii hore.



