Taliya yaasha Militariga & Booliska oo Isbitaal ku booqday Askar dhaawac ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamadii ku soo dhaawacmay Weerarkii Alshabaab ky soo qaadeen deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole ee gobolka Jubada Hoose.

Labada Taliye ayaa mid mid u booqday askarta  iyagoo Bogaadiyay guusha Qaranka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland au ka gaareen Weerarkii Alshabaab shalay ay ka geysteen gobolka Jubada Hoose , waxayna u balan-qaadeen in lagu dadaali doono Daryeelkood iyo caafimaad qabkooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa sheegay in  la gaaray guul weyn oo Alshabaab dagaalka looga dilay in k abadan 150 xubnood oo Alshabaab ka tirsan  .