Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Hawlgalo Bur burin ah oo ka socdo Xaafada Dab damiska

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa ka war bixiyay howlgal bur burin ah oo maanta ciidamada Booliska & kuwa NISA ay  ku qaadeen Xaafadda Dab damiska ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qoysaskii ugu badnaa ee degana Xaafada Dab damiska iney isaga guureen halkaas, islamarkaana kuwa haray ay ka gacan siinayaan  in ay ka guuraan halkaas.

Afhayeenka  ayaa xusay  in mudadii loo qabtay shacabka deganaa Dab damiska ay ku ekeyd maanta, isagoona xusay in dhulkan dowladda ka dhisi doonto xaruntii Qaranka ee Dab damiska.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa ugu baaqay warbaahinta iney ka shaqeeyaan wax walba oo ay ugu horeeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.

Warkan ka soo Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa ku soo aadaya , iyadoo au socoto bur burinta xaafada Dab damiska, Dadkii deganaa ay sheegeen  in aysan garaneyn meel kale oo ay dagaan, islamarkaana dowladda ka dalbanaya in ay u dhaafto Guryahooda .