Taliban oo sheegtay in weerar aargoosi ah ay Pakistan uga laayeen askar badan

Dowladda Taliban ayaa xaqiijisay in ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan ee deganaa goobo badan oo ku yaal buuraleyda xadka waqooyi.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in 58 ka mid ah militeriga Pakistsan lagu dilay wax ay ugu yeereen “fal aargoosi”. Waxay sheegeen in Pakistan ay ku xadgudubtay hawada Afghanistan iyagoo duqeeysay khamiistii suuq gudaha xadka ku yaal.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi ayaa sheegay in weerarka Afghanistan ku soo qaaday uu ahaa mid aan laga fiirsan, isagoo sheegay in rayid la xabadeeyay. Wasiirka waxa uu ka digay in ciidamada dalkiisa ay ka bixinayaan jawaab la mid ah.

Islamabad waxay ku eedeysay Kabul in ay gabaad siineyso argagixisada weeraraya dhulka Pakistan. Dowladda Taliban way beenisay in taasi ay jirto.

Afghanistan iyo Pakistan ayaa la sheegay in ay ku adeegsadeen hubka fudud iyo gantaalo dagaalka ka dhacay gobolka Kunar-Kurram sida BBC-du ogaatay.