Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa jirtay cabasho ay qabeen ganacsatada ay Soomaali ku jirto ee Magalada Nairobi taas oo sababtay in goobaha Ganacsiga qaar ay xiraan,isla markaana ay Shaqa joojin ku dhawaaqaan.
Ganacsatada ayaa ka cabanayeen in lagu soo rogay Canshuur xad-dhaaf ah, kadib markii Hay’adda Canshuuraha u qabilsan Kenya ay ku kordhisay lacag dhan 90,000 oo dollar 40kii feet ee Konternarka ah oo markii hore laga qaadi jiray 30,000 oo dollar.
Hayeeshee waxaa lagu soo waramayaa in xal laga gaaray tabashada Ganacsatada, kadib markii Guddoomiyaha degmada Kamakunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii Yuusuf Xassan uu soo farageliyey cabashada Ganacsatada.
Guddoomiyaha degmada Kamakunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii ayaa sheegay in qaadista Canshuurta lagu soo celiyey sidii hore oo ah in 40ka feet ee Konternerka ah la Canshuro 30,000 oo dollar oo kaliya.
Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ay soomaali ku jiraan ayaa soo dhaweeyey tallaabadaas, iyaga oo sheegay in cabashadooda ay sidoo kale horay ugu gudbiyeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,waxaana durba ay bilaabeen inay furaan Ganacsigooda.