Tababaraha Masar oo qaadaya tallaabo dhabar jab ku ah Liverpool

Tababaraha xulka Masar Hector Cuper ayaa amaanay Mohamed Salah, isagoo sheegay in weeraryahanka Liverpool uu udhaqaaqi karo kooxda Real Madrid.

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah wuxuu u qalmaa inuu u ciyaaro kooxda Real Madrid, sida uu aaminsan yahay Tababaraha xulka Masar Hector Cuper.

Salah oo 25 jir ah, ayaa ku riyaaqaya olole wanaagsan tan iyo markii uu Liverpool kaga soo wareegay kooxda ka dhisan Serie A ee Roma.

Salah ayaa kooxda ka dhasin Anfield waxa uu u dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, taasoo keentay inuu soo jiito indhaha tababare Zidane.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid, iyadoo xitaa tababaraha xulka Masar uu ku qalqaalinayo ciyaaryahankiisa inuu doorto garoonka Santiago Bernabeu.

“Shaki kuma jiro inuu yahay xiddiga kooxda Reds ugu fiican waqtigaan, annaga ahaan wuxuu naga caawiyay inaan usoo baxno Koobka Adduunka 2018 , waa sharaf inaad heysataa xiddig Salah oo kale ah” ayuu Cuper u sheegay wargeyska Marca.

“Salah waa ciyaaryahan aad u fiican oo awood u leh inuu xirto maaliyada kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid, taas shaki kuma jiro” ayuu hadalkiisa ku daray tababaraha Masar.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 21 gool 27 kulan oo uu u saftay kooxda Liverpool tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan.