Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loo soo xiray Tababar aqoon-kororsi oo ku saabsan hufnaanta hawlgallada, tayeynta saadka, maareynta iyo hagaajinta xiriirka ciidamada iyo rayidka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska iskaashiga amniga ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya , ayna fulinayeen khuburo ka tirsan Machadka Maamulka Amniga (ISG) oo kaashanaya Kulliyadda Dagaalka ee Ciidanka Mareykanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hawlgalada iyo maareynta tayeynta ciidamada difaaca Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta horumarinta iyo tayeynta ciidamada difaaca oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si dalku u noqdo goob ammaan oo xasilloon, ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerada muhiimka ah ee ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo gacan-siinta arrimaha bini’aadantinimada.



