Nin isku dayay inuu weerar ku qaado maxkamadda sare ee Brazil oo ku taal caasimadda Brasilia xalay ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhintay waxlxaha qarxa oo isku soo xiray.
Ninkaan ayaa meydkiisa laga helay banaanka dhismaha wax yar kadib markii labo qarax ay ka dhaceen aaggaasi. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkayeen ninkan oo tuurayay wax u muuqday walxaha qarxa ka hor inta uusan qarxin. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay dhacdadan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray, waxaana loo adeegsaday Robot-ka bambooyinka tuura oo lagu baaray meydka ninkaasi. Booliisku waxay sheegeen inay baarayaan ninkaan iyo sida ay ugu suurta gashay isku daygiisa weerar iyo qaraxyada uu isku soo xiray.



