Taajirkii reer Tanzania Maxamed Dewji oo dib loo helay

Waxaa gurigiisa si nabadoon dib ugu soo laabtay maalqabeen reer Tanzania ah oo muddo tobban maalmood ah lagu afduubtay magaalada Dar Es Salaam ee dalkaasi.

Gancsadahan oo lagu magacaabo Maxamed Dewji ayaa subaaxnimadii saaka lagu tuuray garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaallo Dar es Salaam.

Qoyska iyo shacabka Tanzania ayaa ka walacsanaa maqnaanshaha Maxamed Dewji ah oo ah qof dhalinyaro oo dalkaasi ugu taajirsan.

Qoraal barta Twitter-ka ay soo geliyeen qoyskiisa ayuu Dewji wuxuu mahadcelin u jeediyay booliska Tanzania iyo dadka ka shaqeeyay sii dayntiisa.

Dhanka kale, taliyaha ciidammada booliska magaalada Dar es Salaam Lazaro Mambosasa wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee ganacsadaha ay wanaagsantahay isla markaasna 11 maalmood afduub loo haystay.