Barcelona ayaa kusoo xero gelisay £ 142m Philippe Coutinho oo kaga yimid kooxda Liverpool horaantii bishaan January.
Laakiin dhaawac muruqa ah oo soo gaaray intii uu ku sugnaa Liverpool, ayaa keentay in taageerayaasha Barcelona sugaan waqti inay ku arkaan garoonka.
Coutinho ayaa saftay kulankiisii ugu horeyay isagoo xiran maaliyada Barcelona habeenkii khamiista markaasoo uu kasoo kacay kursiga keydka kulankii Copa del Rey ee Espanyol .
Ernesto Valverde ayaa fursad u siiyay xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Philippe Coutinho kulankii xalay Barcelona ku garaaacday Alaves garoonka Nou Camp.
Coutinho ayaa ciyaaray 66 daqiiqo, inkastoo uusan wax saameyn ah ku yeelan garoonka, xili Luis Suarez iyo Lionel Messi odhaliyeen labada gool.
Taageerayaasha Barcelona waxay ku dhaleeceyeen Philippe Coutinho bilowgiisa ugu horeeyay ee La Liga.
Taageerayaasha oo isticmaalayay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ayaa hadalada ay soo qoreen waxaa kamid ahaa.
“Coutinho waa uu ka fiicnaan doonaa Messi,” ayuu yiri hal taageere.
Mid kale ayaa diiday qoraalkaas” waxaana uu yiri “Coutinho waxa uu ku jiraa tartan weyn, laakiin waan jeclahay.”
“Coutinho waxa uu soo bandhigay ciyaartii ugu xumeyd tobaneeyo sano, laakiin cidna kama hadlin” ayuu yiri.
Taageerayaasha ayaa su’aal ka keenay go’aanka Valverde uu ugu soo bilaabay Coutinho garabka midig ee kooxda.
“Coutinho waxa uu ku fiicnaan doonaa dhanka bidix ee garoonka ama khadka dhexe ee weerarka.”
“Tan iyo markii uu Coutinho ku ciyaaro midig, waa weeraryahan ama garabka bidix” taageere kale ayaa isku soo taagay.
Hal ciyaaryahan oo Twitter ah ayaa ku faraxsanaa inuu arko Coutinho oo lala xiriirinayo Suarez iyo Messi.
“Saddexda xiddig ee Liverpool waa Coutinho, laakiin waa ku faraxsanahay inuu arko isagoo ka garab ciyaara Suarez iyo dabcan Messi weyn” ayuu yiri seddexaad.
Coutinho ayaa ku soo bilaaban doona line-upka Barcelona marka ay Valencia la ciyaarayaan semi-finalka Copa del Rey khamiista.
Valverde ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay inay koob ku guuleystaan koobkii Spanish Cup ee xilli ciyaareedkii hore.



