Liverpool iyo Manchester United ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga kooxda Porto Ruben Neves, sida ay sheegayaan wararka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa xilli ciyaareed fiican la qaadanaya dalkiisa oo taagan Afar dhamaadka Euro 2016,
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha ka dhisan Premier League ayaa mid kasta wakiilo ay u dirtay ciyaaryahanka khadka dhexe.
Wargeyska Portugal ee DN Sport, ayaa sheegaya in Jurgen Klopp uu taageere weyn u yahay Neves oo ku dhow inuu ka tago Porto.
Ciyaaaryahankan khadka dahaxe ee awooda leh ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan £ 16.8m Haddi uu ka tagayo kooxdiisa.
Porto ayaa lagu qasbay in ay haatan lacag kaash ah qaataan , madaama ay ka baqayaan in ay ku dhacaan sharciga xeerarka iibinta ciyaartooyda ee Finaicial Fair.


