Sucuudiga oo ka walaacsan Qaraxyada ka dhacaya Muqdisho

Kulan ay yeesheen golaha Wasiirada dalka Sacuudiga ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Waxa loogu yeero Argagixisada.

Golaha Wasiirada dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegeen in ay haboon tahay in laga hortago Qaraxyada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab ee ka dhacaya Magaalada ee Caasimada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in ay kordheen Qaraxyada ka dhacaya dalalka Soomaaliya iyo sidoo kaleTurkiga , islamarkaana loo baahan yahay in dalalka Islaamka ay u midoobaan la dagaalanka Waxa loogu yeero Argagixisada oo ay sheegeen in ay fara kulul ku hayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Hadalka qoraal ah oo laga soo saaray kulanka golaha Wasiirada dalka Sacuudiga oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalka Sacuudiga Adel Al-Turaifi ayaa lagu sheegay in dowladda Sucuudiga ay ka go’an tahay in loo gurmado dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay.

Adel Al-Turaifi Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiirada dalka Sucuudiga ay isku afgarteen in dowladda Soomaaliya laga caawiyo la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Sucuudiga ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii lasoo dhaafay Muqdisho ay ka dhacayeen Qaraxyo ay ku nafwaayeen dad badan.