Haddii aad soo jeediso in Messi uusan kamid aheyn seddexda ciyaaryahan ee ugu fiican sannadkii hore dunida waa wax lagu qosol” ayuu yiri weeraryahanka Barcelona Suarez.
Messi waxa uu ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta yurub iyo tan La Liga xilli ciyaareedkii hore, isagoo ka caawiyay Barcelona hanashada La Liga iyo Copa del Rey.
Messi ayaa dhaawac kala kulmay Champions League oo ay kooxdiisa quarter-final-ka kusoo reebtay Roma, halka sidookale wax badan uusan ka qaban koobkii adduunka.
Luis Suarez, oo ay iska garab ciyaaraaan Messi Isbuuc walba, ayaa miisaankiisa ku daray in Messi uu u qalmay musharaxiinta isku soo haray sanadkaaan.
Abaalmarinta FIFA ee xiddiga ugu fiican sanadka ayaa mar kale noqon karta mid uu ku guuleysto Cristiano Ronaldo.
Xiddiga reer Portugal ayaa ku tartamaya abaalmarinta sannadkii seddexaad oo xiriir ah xaflada ka dhaceysa London 24-ka bishaan September.
Ronaldo ayaa wajahaya tartan kaga imaanaya saaxiibkii hore ee Real Madrid Luka Modric iyo xiddiga Liverpool Mohamed Salah.


