Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa fariin loogu diray madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ee shirka ku yeeshay Muqdisho.
Sidoo kale SSC Khaatumo ayaa ka codsaday madaxda golaha wadatashiga Qaranka in metelaad ku yeelato shirarka Wadatashiga Qaranka ee lagu casuumo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Warsaxafadeed ka ka soo baxay Khaatumo ayaa lagu sheegay in Golaha uu go’aan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, islamarkaama Khaatumo ay tahay maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan iney metelaad ku yeeshaan go’aanada kasoo baxa madasha Wadatashiga Qaranka.




