SSC Khaatumo oo sharuud ku xirtay siideeynta maxaabiista Soomaaliland

Hogaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sharuudo ku xiray siidaynta maxabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.

Madaxweynaha SSC- Khaatumo wuxuu sheegay,  siidaynta maxaabiista Somaliland  in ay ku imaan karto marka la gaaro heshiis nabadeed oo buuxa, islamarkaana maamulka Soomaliland uu joojiyo sida uu sheegay daandaansiga uu ku doonayo inuu kusoo duulo degaannada SSC.

Hogaamiye Fardhiye  ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan qiyaastii 292 maxbuus ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku xiran yihiin labo xabsi oo kuyaala magaalada Laascaanood, halkaasna ay ku haystaan daryeel joogto ah sida uu sheegay nadaxweynuhu.

Ugu dambeeyntii Hogaamiyaha SSC  Khaatuma Wuxuu sheegay in hal maxbuus oo kamid ah maxaabiista uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, halka labo kaloo qabay dhaawacyo culus lagu wareejiyay qoysaskooda iyadoo loo marayo hay’adda ICRC.