Soomalida ku nool Koonfur Afrika oo bilaabay qorsho looga hortagayo dilalka & dhaca

Ganacsatada  Soomalida iyo kuwa Ethiopianka ee ku nool dalka Koonfur Africa ee leh Dukaamada loo yaqaano Spaza Shops ayaa codsaday in la hagaajiyo Hawlaha Boolisiyeynta ee Degmadda ballaaran ee KwaNobuhle ee Gobalka Eastern Cape.

In ka badan 100 Milkiilayaasha Dukaamadda Spaza Shops ee Deeganadda KwaNovuhle iyoDespatch ee Gobalka Eastern Cape waxay isugu soo baxeen afaafka hore ee Xarunta Taliska Booliska ee Degmadda KwaNovuhle.

Ganacsatada Boliska ayey ka dalbadeen Ilaalayn Boolis oo dheeraad ah, iyagoo sheegay inay kordheen falalka dhaca hubeysan, Afduubka iyo Weerarada kale ee lala beegsado goobaha Ganacsiga ee ay Soomaalida iyo Ethiopianka ku leeyihiin Deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Adeegyada Mujtmaca Soomaalida  Saciid Maxamed waxa uu sheegay inay rumeysan yihiin inay dad Khaas ah abaabulayaan Fal-dembiyeedyada, kuwaasi oo ay ujeedadooda tahay si ay iyaga uga saaraan mehradooda Ganacsiga.

“Waxaan og nahay in Walaalaheena Soomaaliyeed bixiyaan lacag dhan 500 Rand ee Lacagta dalka K/Afrika, si looga badbaadiyo Tuugada magaalladda. Ma jirto baahi loo bixiyo wax Khidmo ah. Booliska waa inay gutaan shaqadooda iyo inaan Booliska ku arki karnaa dhamaan Dukaamadeena” ayuu yiri Saciid Maxamed.

Xiriiriyaha Mashaariicda ee Xarunta Qaxootiga ee Eastern Cape, Siyabulela Hodi waxa uu isagana sheegay inay Booliska si aan daal lahayn ugala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa Xal.

Waxa uu intaasi ku daray tan iyo bishii Janaayo in 5 qof lagu dilay Degmadda KwaNovuhle.

Saraakiil ka tirsan Madasha Booliska Mujtamaca ee Degmadda Nelson Mandela Bay District waxay sheegeen inay dhibaatadu tahay in marka ay Ganacsatada furtaan Kiis Dacwadeed inaan la heli Karin marka la gaaro xilliga Maxkamadda,xitaa haddii Eedeysanayaasha la soo qabto.

Siphiwo Vusani waxa uu ugu baaqay dhamaan Milkiilayaasha Dukaamada Spaza Shops ee ku yaalla gudaha Degmadda KwaNobuhle inay mehradooda xiraan 9-ka Fiidnimo, iyadoo ay Boliska garwaaqsadeen inay maalintiiba 2 jeer ilaalo ku mari doonaan goobaha ganacsiga.

Waxa kale oo uu xusay inay yeelan doonaan Whatsapp Group oo ay ku mideysan yihiin Milkiilayaasha Dukaamada, xitaa haddii tirada Kooxda Whatsapp-ka gaaraan 500 xubnood.