Dowladda oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Duqeynta oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda Caalamiga ah gaar ahaan Uganda ayaa waxaa ay ka dhacday  tuulooyinka Tawakal iyo Ugunjioo hoostaga degaanka janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay u sheegeen Warbaahinta dowladda  in duqeynta lagu dilay Saddex Sarkaal oo kala ah, Madixii Canahuuraha degaanka Hantiwadaag Khaalid Cabdullaahi, Sarkaal lagu Magacaabi jiray Macalim Yuusuf iyo Sarkaal kale.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in sidoo kale duqeynta in duqeynta lagu dilay Shan Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo saraakiisha la dilay la socday.

Dhowr jeer ayaa Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay duqeymo la beegsadeen Goobo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ku waxyeelooba dad Shacab ah.