Soomaaliya oo gashay kaalinta 10-aad ee orodka Olombikada Tokyo

Orodyahan Cali Iidow Xasan oo Soomaliya ku matalayay oradka 15,00 Mitir ee cayaaraha Olombikada adduunka oo ka socda magaalda Tokyo ee waddanka Japan ayaa galay kaalinta 10-aad.

Cali Xasan ayaa ku orday 3:43.9, wuxuuna ka hormaray orodyahanno u dhashay dalalka Qatar, Poland, Equatorial Guinea, Brazil, Spain, iyo Morocco, waxaana tartankan kaalinta ugu horreysa ku soo baxay Kipsang Abel oo u dhashay Kenya, halka kaalinta ku xigta ee labaadna u soo galay Centrowitz Matthew.