Soomaaliya & Caalamka oo Maalintii labaad laga Ciidayo

Waxaa Maanta Maalintii labaad siweyn  looga Ciidayaa  dhamaan dalalka Islaamka oo ay kujirto Soomaaliya, iyada oo dadweynaha ay u damaashaadayaan.

Shalay oo aheyd Maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga ayaa Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay Shacabka kula dukadeen Masaajidyada qaar halka qaarkood ay kula dalxiiseen Goobaha loo damaashaad tago.

Markii aad marto waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalintii labaad ee Ciidul Fidriga.

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa sidoo kale kusii qul qulaya Goobaha dalxiiska si ay Asxaabtooda ula sheekeystaan Ama ula galaan Sawiro xasuus ah, waxaana Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ay Maalintii labaad Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen Maalinta labaad ee Ciidul Fidriga.