War-saxaafadeed ka soo baxay Soomaaliland ayay uga soo horjeesatay cuna qabtaynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
War saxaafadeedka ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliland walaac xooggan ka muujineyso isla markaana si weyn uga soo horjeeddo cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992).
Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii Dhexe ee Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.
Soomaaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka .
Ugu dambeeyntii Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay Soomaaliland.



