Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay Muhiimadda Cunuqabateeynta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeye Guusha laga gaaray  Cunaqabateydii Soomaaliya Saarneed Mudo  31 Sano

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ugu Horeyntii ugu Mahadceliyey Madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado Xayiraada Hubka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado  cunaqabataynta hubka ee saarneeyd.