Wafdi uu Hogaaminayo Safiirka UK ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garowe

Danjira Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mike Nithavrianakis ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safiirka ku qaabilay xarunta madaxtooyada Garoowe halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan maareynta khilaafka doorashada Puntland.

Safiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo uu kala hadlay sidii lagu xallin karo muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashada 2024.

Danjire Mike Nithavrianakis ayaa lagu wadaa in uu dhinaca kale la kulmo dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland islamarkaana kala hadlo xal u raadinta xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka aloosan doorashada.

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jira Xiisad u dhexeysa Madaxda Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah taas oo ka dhalashay Nuuca doorasho  ee Puntland inkasto Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo iyo kuwa Puntland ay wadeen dadaalo xal looga gaarayo Xiisadaas.