Soomaalidii lagu dilay Yemen oo lagu eedeeyay Sacuudiga

Hay’adda arimaha xaquuqul aadanaha u dooda ee lagu magacaabo Human Rights ayaa si weyn uga hadashay Xasuuqii Qaxootiga Soomaaliyeed loogu geystay dalka Yemen.

Hay’adda ayaa Farta ku fiiqday Isbaheysiga uu Sucuudiga hogaamiyo oo ay sheegtay in ay u muuqato in ay dambeeyeen Weerarkaasi lagu dilay 42 qof oo Soomaali ah xeebaha dalka Yemen ka dib markii dooni ay saarnaayeen Gantaal lagu dhuftay.

Agaasimaha qeybta bariga dhexe ee HRW Sara Liya Waytsin ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay u muuqato xad gudubyada ay ka geysanayso dalka Yemen in ay korortay , islamarkaana in ay si weyn uga gaabsanayso Xasuuqii loogu geystay Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.

Bishaan 16-keedii ayay aheyd Markii dooni ay Saarnaayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo Maraysay xeebaha dalka Yemen Gantaal.

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa si weyn iskaga fogeeyay in ay ka dambeeyeen dilkaasi.