Iyadoo shalay dalka Mareykanka laga soo celiyay ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayaa arintaasi waxaa walaac xoogan ka muujiyay dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka.
Ururada Bulshada ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay tahay Nasiib daro in dowladda Mareykanka ay dib u celiso dadka Soomaaliyeed ee magan geliyada Waydiistay.
Sidoo kale waxaa ay dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen in ay wax ka qabato dadka laga soo celinayo dalka Mareykanka.
Madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in la joojin doono muhaajiriinta ka imaanaya dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay oofinayaan balamihii ay ka qaadeen Shacabka ,kaa soo ahaa in ay dalka Mareykanka ay ka masaafurin doonaan dadka aan aysan sharciyada.


