Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal dhowr ah kuwaasoo ka aamusay codeyn Qaramada Midoobey ay u qaadday aqoonsiga Dowladda Mareykanka ee ay Buuraleyda Golan Heigths ee maamulka Yahuudda.
Buuraleyda Golan Heigths ayaa waxaa iska leh dowladda Suuriya, waxaana xoog ku heysta maamulka Yahuuda, waxaana xilliggaan socda dadaallo kala duwan oo dowladda Mareykanka ay waddo oo ku aadan in Maamulka Yahuuda si rasmi ah looga aqoonsado lahaanshaha dhulkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la jooggo xilligii Mareykanku u aqoonsan lahaa Buurahaasi in ay leedahay Israaiil.
Kulanka Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey oo ka dhacay Magaalada Geneva waxaa xaadiray 47 dal,waxaana 26 ka mid ah ay diideen aqoonsiga Trump ee dhulka ay xoogga ku heysato Yahuudda ,halka16 ka mid ahna ay aqbaleen, waxa sidoo kale ka aamusay 5 dal.
Shanta dal ee ka aamusay ayaa kala ah Soomaaliya,Cameroon, Democratic Republic of Congo, Fiji iyo Rwanda.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dowladdaha sidda weyn ugu Ololeeya Qadiyadda Falastiin, waxaaana Muuqata in Soomaaliya ay lasoo baxday Siyaasad Cusub oo dhanka Arrimaha Dibadda ah.
Buuraha Golan intooda badan waxay Israa’iil ku qabsatay dagaalka bariga dhexe ka dhacay 1967-kii, dowladda Suuriyana waxay isku dayday iney buuraheeda dib uga soo ceshato Israa’iil iyada oo 1973-kii dagaal la gashay.
Waxayna dagaalkaasi kaddib labada dal ku heshiiyeen in la sameeyo dhul dhan 70 Km oo militariga ka caaggan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada nabad ilaalin oo ka socda Qaramada midoobay, Balse labada dal waxay ahaayeen waligood kuwo uu dagaal ka dhaxeeyo.
In kabadan 30 deegaan oo ay Yuhuuddu leedahay ayaa ku yaalla buuraha Golan qaybta ay Israa’iil maamusho waxaana ku nool dad lagu qayaaso 20,000.



