Soomaali loo xiray weerarkii dalka Canada

Edmonton-RisaalaFM- 30 sano jir Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dambeeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Edmonton xarunta Gobolka Alberta ee dalka Canada, halkaasi oo Shan qof lagu dhaawacay, sida ay sheegeen Booliska.

Abdulahi Sharif oo ka mid ah dadka soo galootiga ah waxaa laamaha amnigu sheegeen inuu ku lug lahaa weerarka oo lagu dhaawacay Askari booliis ah iyo dadkale, markii lagu weeraray gaari dad ku sugan meel wadada ka baxsan.

Laamaha amnigu waxay sheegeen in gaariga weerarka lagu fuliyey laga helay calanka ISIS, sidaasi darteedna ay arrintan u qaadanayaan mid Argagixiso, waxaana weli socda baaritaano.

Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida galeysay ama ka soo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, xilligaasi oo lagu dhuftay gaari xawaare sare ku socday kaddibna lagu weeraray mindi.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay weerar argagixiso, cidii ku lug yeelatana sharciga la marsiin doono.

Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo Argagixiso iyo kuwa dil, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in ninkan ay booliisku garanayeen.