Soomaali lagu xiray Gaarisa

8 Qof oo Somali ah ayey Ciidanka Booliska Kenya ku xir xireen Magaalada Garissa, waxaana la geeyay Maxkamadda Magaalada Gaarisa.

Sideedda Qof, ayaa la sheegayaa in ay ka tageen Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa,waxaana lagu heystaa in ay ku sii jeedeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa waxaa ka mid ah Carruur da’doodu ka yartay 18 Sano,waxaana baaritaankaasi amray taliyah Booliska Garissa,kaas oo Waaxda Waabari Ninka Taliyaha ka ah amray in la soo qab qabto Dadka aan sharciga ku joogin Garissa.

Dadka la xir xiray ee Maxkamadda la geeyay ayaa kala ah Xasan khaliif, Jaamac Kayaas,Cabdi Siyaad, Mubaarak Cabdi, Cismaan Axmed C/Xakiin Nuur, Max’ed Cabdi iyo Nuuro Yuusuf, waxaa kale oo ka mid ahaa Gabar Sanad jir ah.

Qaar ka mid ah Dadkaas ayaa ka hor Maxkamadda la geeyay Isbitaalka si loo xaqiijiyo da’dooda iyaga oo laga baarayo dheecaanka Gows dambeedka ee Hidde sidaha laga baaro.

Taliyaha Booliska Waaxda Waabari ee Garissa Yuusuf Sheekh Cali, ayaa sheegay in Dadka Somalida ah ay sharci la’aan ku joogeen Gaarisa una sii socdeen Nairobi iyaga oo doonayay in ay Gawaari u raacaan Caasimadda Kenya.