Michael Keating oo gaaray Baledweyne

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Danjire Michael Keating.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne waxaa ku soo dhaweeyay Michael Keating, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Michael Keating, ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Baledweyne, gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobolka, halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo kulan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ay ku sugan yihiin.

Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee uu salka ku haayo socdaalka Michael Keating, uu maanta ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Shalay ayeey aheyd markii Cali Cabdulaahi Cosoble, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle uu gaaray Magaalada Baledweyne.

Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana iska kaashanaya amniga ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Federalka Somaliya.