Kooxda Real Madrid ayaa 3-0 kaga badisay naadiga Sevilla lugtii koobaad ee Copa Dell Rey ee ka dhacay garoonka Bernabao.
Guusha wiilasha macalin Zidane gaareen waxaa hormuud ka ahaa xidiga qaranka Colombia James kaas oo lala xariirinayo inuu kooxda ka tagayo.
Si kastaba, Real Madrid ayaa bandhiga goolasha furatay daqiiqadii 11-aad, waxaana si qurux badan goolkaas udhaliyay James Rodriguez.
Daafaca Sevilla ayaa kubada laga soo dhexqaatay kadibna waxaa qabsaday James, kaas oo goosha banaankeeda si qurux badan uga dhaliyay goolka.
Real ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kartay, halka Sevilla ay daafac iyo weerarba aheyd.
Daafaca Varane ayaa madaxa ku dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta kadib koorno uu soo qaaday Toni Kroos, waxaana ciyaarta uu ka dhigay 2-0 daqiiqadii 30-aad.
Ugu danbeyn kooxda Real Madrid ayaa goolasheeda soo afjartay daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay James.
Xidigan ayaa meel qaldan udiray goolhayaha Sevilla kadib markii loo dhigay gool kulaad ama rigoore loo dhigay taas oo timid kadib qalad xerada ganaaxa loogu geystay qadka dhexe ee Modric.
Real ayaa 3-0 kaga badisay Sevilla, kulankan ayaana sidaas kusoo dhamaaday, wiilasha macalin Zidane ayaana ismuujiyay iyadoo ay garoonka maqnaayeen BBC.
Madrid ayaa sii wada guulaha xariirka ah ee ay gaareyso iyadoo macalin Zidane uu kalsooni weyn ka helayo maamulka kooxda.
Kulamadii kale ee dhacay Copa Dell Rey waxaa kamid ahaa Alcorcon iyo Cordoba oo 0-0 ku kala baxay, R.Sociad öö 3-1 kaga badisay Villareal.


