Soomaali doonayay inuu weerar ka geysto Melbourne oo la qabtay

Melbourne-RisaalaFM- Booliska iyo Hay’adda Sirdoonka Dolwadda Australia, ayaa Xaafad ku taalla magaaladda Melbourne ka soo qabtay Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Urur argagixiso ah, islamarkaana uu qorsheynayey inuu weeerar ka geysto banaanka hore dhismaha la yiraahdo Federation Squar-ka.

Wiilkan ayaa goobta uu doonayay inuu weerarka ka geysto waxaa sanadka cusub la qorsheynayey in lagu qabto dabaal dagyo lagu soo dhoweynayo sanadka 2019-ka, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay ku xiggeenka Madaxa Booliska gobolka Victori, Shane Patton.

Waxaa kale oo uu sheegay in Wiilkaan Soomaaliga ah ee Booliska ay qabteen uu helay Buug kooxda argagixisada ah ee Al-qaacida ay soo saartay oo ay ku qorneyd macluumaad ku saabsan sida loo fuliyo fal argaggixisannimo iyo sida loo adeegsado qoryaha, iyagoo caddeeyey booliska in wax qori ah aan laga helin hoygiisa.

Booliska Australia ayaa sheegay in Wiilka la qabtay uu 20 sano jir yahay, kuna dhashay dalkaasi, balse waalidkiisa ay ka soo jeedaan dalka Soomaaliya, waxaana ay tilmaameen in soo qabashadiisa ay iska kaashadeen Saraakiisha Booliska Victoria iyo Booliska Federaalka.