Baay-RisaalaFM- Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu galabta ku dhexmaray degaano hoostaga degamada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Dowladda oo ka yimid degmada Buur-hakaba kuna sii jeeday Baydhabo ay weerar jidgal ah kala kulmeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in Dagaal uu dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Shabaab, uuna jiro khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.
Masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen inuu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaasi oo la doonayo in guud ahaan looga saaro degaanada Koonfur Galbeed.
Xaalada goobtii uu ka dhacay dagaalka ayaa caawa waxa ay tahay mid degan, waxaana Ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan.



