Hiiraan-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta uu Dagaal ka dhacay degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeyay Xoogag ka tirsan Shabaab iyo Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ah.
Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah oo saf balaaran ah waxa ay ku qaadeen degaanka, taasi oo markii dambe suuragelisay in gabi ahaan ay gacanta ku dhigaan degaanka, kana baxaan dadkii degaanka ahaa ee hubeysnaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen in ay arkayeen xoogag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab, watana Gaadiidka dagaalka in gabi ahaan ay la wareegeen meelaha ugu muhiimsan degaanka.
Maamulka degaanka Ceel-Cadde ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u xaqiijiyeen in Shabaab ay la wareegeen degaanka, balse Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka ay wadaan abaabul dagaal.
Degaanka Ceel Cadde ayaa qiyaastii 70-KM dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.



