Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Waxaa shirkan daah-furkiisa soo qaban qaabiyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-tashan doono sharciga shaqaalaha rayidka ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF Soomaaliya.
Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa si weyn diirada loo saari doonaa dib u eegista sharciga shaqaalaha rayidka, iyadoo la filayo in ugu dambeyntii laga soo saaro qodobo wax ku ool ah.
Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa maalinimadii shalay aheyd gaaray caasimadda Puntland ee Garowe waxaana ay soo dhaweyn kadib kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.



